Home Afsomali Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho ka dagay iyo Xasan Cali Kheyre...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho ka dagay iyo Xasan Cali Kheyre oo soo dhaweeyey

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Hakan Cavusoglu iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa booqan doona Safaaradda iyo Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho, halkaasoo boqolaal askari lagu tababaro.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu dhagax dhigo xarun loo dhisi doono Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa la kulmi doona Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.