Home Afsomali Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed...

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed oo jawaari ugu baaqay in u is casilo ka hor codeynta

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed oo goordhaw shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa baaq u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada maanta kulanka ku yeeshay Muqdisho oo gaaraya sodomeeyo ayaa kulankooda uga hadlay  mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanadan in ay taageersan yihiin Mooshinka laga keenay Jawaari , waxa ayna ugu baaqeen in uu is casilo si meesha uga baxdo khilaafka Baarlamaanka ka dhax aloosan.

Xildhibaanadan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale beeniyay in Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu gadaal ka riixayo mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa intooda badan saxiixay mooshinka xilka looga tuurayo Jawaari, waxa ayna Xildhibaanadan wadaan abaabul lagu doonayo in xilka looga tuuro Gudoomiyaha Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.