Home Afsomali Gorgortankii Heshiiska Dedekeda Xamar ee Shirkadda Albayrak

Gorgortankii Heshiiska Dedekeda Xamar ee Shirkadda Albayrak

Dowladda Federaalka ayaa toddobaadkii dhawaa shirkadda Albayrak heshiis kula gashay 14 sanadood dib u maamulista dekedda Xamar (Muqdisho). Sanadkii 2014kii ayaa maamulkii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud kula heshiiyay shirkaddaas inay dib u hawlgeliso dekedda, si loo sahlo ganacsiga loona kordhiyo dakhli soo saarista dalka.

Albayrak Group waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalka Turkiga waxayna ka hawlgashaa dhammaan qeybaha dhaqaalaha, dhismaha, waxsoosaarka iyo adeegga. Waxay kaloo ku jirtaa maareynta dekedaha dalka Turkiga iyo dibaddiisaba.

Madaxa Albayrak Axmed Saalim oo ka hadlayay munaasabadii ay kula wareegayeen maamulka dekedda Xamar ayaa ballanqaaday inay sare u qaadi doonaan adeegga dekedda si loo hormariyo aruurinta khidmadaha adeega oo xilligaas ahayd malyan iyo laba boqol kun doolar bishii.

Waxaa xusid mudan in ka hor inta aan Albayrak la wareegin dekedda, maamulka konteynerada ay haysay shirkadda “Simatech” oo ay wada leeyihiin Imaaraadka iyo Singapore.

Muddada lagula heshiiyay Albayrak waxay ahayd 20 sanadood oo dakhliga kasoo xerooda dekedda loo kala qaadanayo 55% iyo 45% iyadoo dowladda Soomaaliya loo xaglinayo.

Dekedda Muqdisho oo ku fadhida masaafo dhan 303,000 sq. meters ayaa himilada ku wareejinta Albayrak ahayd in waxqabadkeeda la gaarsiiyo 250,000 konteyner sanadkii, halkii uu ka ahaa 17,000 dhammaadkii 2013ka. Hadafku waxuu ahaa in la soo jiito shabakadaha “The Maersk Lines, Cosco Shipping, ASEA, JEDDX” iwm, si loola jaanqaado heerka koritaanka suuqa loona yareeyo kharashka xamuulka.

Gorgortan dhexmaray labada dhinac oo muddo ka badan 2 sanadood jiitamayay ayaa walaac ka dhashay kaddib markii ay soo yeertay in shirkad shisheeye ay xodxodasho hoose kula jirto dowladda. Warku waxuu ka dhashay “mu’aammaraad” lagu waxyeellayn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Xeeldheereyaasha dhaqaalaha ayaa sheegaya in maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ku qaaday dib eegista heshiiskii Albayrak dhowr arrimood: (1) Xallinta ciladaha qandaraaskii hore; (2) Ilaalinta dakhliga dowladda; iyo (3) Hubinta heerka adeegga dekedda.

Balse war waxuu ka taagan yahay waxa ilaa hadda loo soo bandhigi la’yahay wax qaybsiga heshiiska ay saxiixday Wasiir Maryan Aweis Jaamac!

Si kastaba ha ahaatee, dooda dib u eegista macaash wadaaga labada dhinac ayaa bishay qiimaha dekeddaha Soomaaliya lana sintay nacfiga dekedda Muqdisho heerka tan Dooraleh. Qandaraaska cusub ayaa horseedi doono in dib loogu celiyo dekedda 50 malyan doolar oo maalgelin horumarin iyo dayactirba leh, iyadoo shantii sanadoodba mar dib loo qiimeyn doono hantida (Cowry News – 9/10/2020).

Inta yar ee laga ogyahay heshiiska waxuu u muuqdaa mid libineed dhowr arrimood awgood: (b) Waxtarka horumarka dhaqaalaha iyo bulshada; (t) Sare u qaadista qiimaha dekedaha dalka; (j) Carbinta kaaderiin ku takhasusaya maaraynta deked casri ah; (x) Abuurista khabiiro gorgortan heshiis ganacsi; (kh) Kordhinta soo jiidashada dareenka maalgashiga shisheeye ee tooska ah; iyo (d) Kor u qaadista sumcadda dalka ee ilaalinta waajibaadka iyo xuquuqda qandaraasyada.

Awoodda dhaqaale ee dekedaha Soomaaliya ayaan shaki lahayn. Balse ka hor inta aan Albayrak lala gelin heshiiska, dekedaha dalka waxaa ku horgudbanaa caqabado ka dhigayay kuwa ugu waxtarka liita adduunka.

Dabcan inta aan la gaarin heerka ka faa’idaysiga Badweynta iyo dalalka deriska ah – amniga ka sokow, waxaa loo baahan yahay in wax weyn laga qabto isku xirka kaabayaasha dhaqaale ee dekedaha iyo aagga la xiriira. Kuwaas waxaa ugu horreeya waddooyinka (dhulka, biyaha, birta reylka “tareenka”, buundooyinka, isgaarsiinta iyo cirka) oo haddaysan jirin dalku u adeegi karin dalka kale, si kastoo ay u wanaagsan yihiin dekedahiisa.

Shirkadda Albayrak waxay dalka u soo bandhigtay maalgashi ay Soomaaliya awood u lahayn inay amaahsato amase uruursato. Waddan kasta oo aan lahayn awood dhaqaale amase aan heli karin waayo aragnimo qoto dheer waxuu u qoolan yahay in la boobo (dhaco), waana taas midda DP World ku dhigtay dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Dib ugu cusbooneysiinta Albayrak heshiiska dekedda Xamar waxuu xaqiijin doonaa waxyaabaha ay filanayaan dadka Soomaaliyeed. Goobta istraatiijiga ah iyo tas-hiilaadka casriga ah oo ay bixiso dekedda Xamar ayaa ka dhigi doonta Soomaaliya mid ka mid ah marinka ugu xamuul wareejinta badan (transshipment) Afrika.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.