Dawladda iyo mucaaradkeeda, wexey ku mashquulsanyihiin u fiirsada, kala iibsiga codadka iyo kuraasta, heer gobol iyo heer qaran, kala riixashada jagooyinka, kala xulafaysiga guddiyada, dadaal iyo xoog iyo xoolo ayaa meeshaas gelaya. Turkigu wuxuu ku mashquulsanyahay vision 2023, malaysia vision 2020, Rwanda vision 2020.
Qatar oo markii carabtu go’doomisey, aynu hawadeena u furnay oo maalinkii 15 diyaaradood ka badan mareysey, wexey garoon $1.5 billion ah ka dhiseysaa Rwanda, koobka adduunka wexey ku bixineysaa todobaadkii $500 milyan, iyo wadar $200 bilyan ah, innag6a hal airport oo $250 milyan ah (una dhigma kan Ankara oo intaas lagu dhisay) kama aynaan helin, astaqfirullah, yaanan maagin, innooma quuri waayin sidaan filayo, ee innagaan lahayn aragtidaas fog, iyo wax ka badan hammiga ololaha (doorashada) iyo tartanka tirada codadka iyo kharashkeeda, cid walibana sidey tahaa loola dhaqmaa.
Home Afsomali Dawladda iyo mucaaradkeeda, wexey ku mashquulsanyihiin u fiirsada, kala iibsiga codadka iyo...