Xukuumadda & Barlamaanka Federaalku waa laba hay’adood oo kala madax-banaan, waajibka Barlamaan-kuna uu yahay; in uu Xukuumadda iyo Barnaamij-keeda ansixiyo, lana xisaabtamo, kalsoonida kala laabto hadii ay fulin waydo Barnaamijkii ay umadda ka balan qaaday una dhaaratay.
Beryahaan waxaa baraha bulshada aad loogu eedeeyey in Xukuumaddu ay ka danbeyso, gadaalna ka riixayso Mooshinka Gudoomiye Jawaari, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda.
Hadii lagu qiimeeyo aragti dhex-dhexaad ah waxaa kuu soo baxaya in Xukuumadda iyo Barlamaanku is dhex-galeen, iskuna milmeen, ayna adagtahay in ay kala madax-baneeyo, lana kala saaro, is lana xisaab-tamaan labada gole sababahaan awgood:
1. Sedex meelood laba Golaha Xukuumadda waa Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka.
2. Wasiirada ka baxsan Xildhibaanada waxaa keenay ama u ololeeyey Xildhibaanno ama Guddoonka Barlamaanka.
3. Hadii aad booqato Xafiisyada Madaxweynaha, R/wasaaraha, Wasiirada iyo Gudoomiyaha Gobalka waxaa safaf dheer dheer ku jira Habeen iyo Maalin Xildhibaano, waxaana adag in qof kale uu fursad ka helo, dhinaca kale hadii aad tagto Xafiisyada Guddoonka Barlamaanka kuma arkaysid Xildhibaanno fara badan.
4. Malagga kaliya ee Xukuumaddu ka cabsato waa Xildhibaanada aan ka tirsanayn Wasiirada iyo Guddoonka, waxeyna ku dadaashaa wax kasta oo lagu raali-gelin karo, hadii kale 6 bil kasta waa Mooshin diyaar ah.
5. Hadii Xildhibaanadu Mooshin la daba taagan-yihiin kuraasta Wasiirada! Ma jiraa shacab Mooshin la daba taagan kuraasta Xildhibaanada 4 sano ka hor?.
6. Hadii Wasiirada inta badan ay Xildhibaano yihiin! Inta kale-na ay Xildhibaanno keeneen ama ay talo ku lahaayeen ama u shaqeeyaan Xildhibaanada! Maxey sanad kasta u bedelaan?.
7. Hadii Wasiirkii Maaliyadda, Gaashaan-dhiga, Amniga iwm ay Xildhibaanno yihiin, Awoodiina haystaan, maxaa u diidaya in ay iska difaacaan Xildhibaanada raba in ay kuraasta ka kacsadaan?
8. Hadii Gudoomiye Jawaari uu keensaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda uuna difaacay 2 sano una diiday in lala xisaabtamo, lana weydiiyo Mushaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha 9 bilood! Maxaa Wasiirka Maalidda u diidaya in uu kursigiisa difaacdo?.
9. Hadii Barlamaanku diiday in uu kala saaro Xubnaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha Xukuumadda! Maxaa diidaya in mar kasta kuraas la isku qabsado?
Hadaba waxaa muuqata in Xukuumaddu ka faa’iidaysatay waaya aragnimadii laga bartay Xukuumadihii ka horeeyey ee lagu riday gacanta Barlamaanka.
Hadii Xukuumaddu ay haysato 45 Wasiir oo Xildhibaanno ah, mid kastana uu keeno 2 Xildhibaan, taageerana ka hesho Gudoomiye ku xigeenka iyo 3 Xildhibaan kaliya, natiijadu waa: 45 + 90 + 4 = 139, waa aqlabiyad ay ku xukumi karto Barlamaanka, Dastuurka ayaana siinaya awood ay ku bedeli karto Xeer Hoosaadka, kuna baaji karto Kooramka Fadhiyada Barlamaanka ama ku furi karto kuna ansixin karto sharcigii ay rabto.
Gunta arrintu waa: haddii la rabo in labada gole kala nabad galaan, is lana xisaab-tamaan, dadkuna la xisaabtamo waa in xeerar kala saara ama kala haga loo sameeyo, haddii kale iska daba wareeg iyo dagaal Siyaasadeed oo joogto ah ayaa lagu jirayaa?.