Home Afsomali Kenya oo soo jebisay Xaduud beenaadka ay la wadaagto soomaaliya ...

Kenya oo soo jebisay Xaduud beenaadka ay la wadaagto soomaaliya iyo reer gado oo ka horyimid

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Kenya dad shacab ah saakay ay ku Rasaaseeyeen gudaha magaalada Beled-Xaawo ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay duugaan gudad waa weyn oo Ciidamadaasi ay ka qodeen gudaha magaaladaasi, si ay u marsiiyaan Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Waxaana la sheegay in taasi ay keentay in Ciidamada milatariga Kenya ay Rasaas xoogan ku furaan dadkaasi.

Lama oga illaa iyo iminka khasaaraha rasimiga ah ee Rasaasta ka soo gaaray dadkaasi Rayidka ah.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa M/ Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ka taagnaa Xiisad u dhaxeysa dadka shacabka ah iyo Ciidanka Kenya ay ku sugan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.