waxaa goor dhowayd magaalada Hargeysa ee Somaliland ku geeriyootay fanaananadii Soomaaliyeed ee caanka ahayd, Sahra axmed jaamac, taasoo muddooyinkii ugu dambeeyay halkaas ku xanuunsanayd.
Sahra Axmed Jaamac, waxay ka mid ahayd hablaha fanaaniinta Soomaaliyeed kuwa ugu caansan looguna jecel yahay. Waxay ka mid ahayd kooxdii hobolada Waaberi, waxaana lagu naanaysi jiray qoruxda fanka Soomaaliyeed.
Sahara Axmed waxa la sheegay inay fanka ku soo biirtay sanadkii 1973-kii ilaa 75-kii.
Sahari waxa la sheegaa inay fanka ku bilowday heeso badan oo dhanka jacaylka ah, kuwaas oo dadka qaar sheegaan inay ku qotomeen qisooyin jacayl oo dhab ah.
Sahari waxa la sheegaa inay fanka ku bilowday heeso badan oo dhanka jacaylka ah, kuwaas oo dadka qaar sheegaan inay ku qotomeen qisooyin jacayl oo dhab ah.
Heesaheeda waxay xoogga ku saari jirtay dhinacyada wadaniga, jacaylka, guubaabinta, dhiirigelinta, amaanta, duco, wacyi’gelinta, wargelinta, iyo wax-sheega.