Home Afsomali VIDEO Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyey jawaari oo soo bandhigay tiradooda

VIDEO Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyey jawaari oo soo bandhigay tiradooda

Kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey
gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa
ay kaga hadleen Shaqaaqadii Arbacadii ka dhacday Xarunta Baarlaamnka iyo
mooshinkii ay ka gudbiyeen Gudoomiyaha.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano dhowr ah kuwaas oo weli sheegaya in
uusan burun mooshinkii ay ka gudbiyeen gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyaga oo sidoo kale sheegay in ay gaarayaan ilaa
220 xildhibaan.

Kulanka kadib ayaa waxa ay soo saareen Warsaxaafadeed ka koobaan dhowr qodob oo
ay ku sheegeen in Gudoomiye Jawaari uu jebiyey Sharciga iyo Dastuurka dalka.

Xildhibaan Aadan Isxaaq oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u Akhriyey
Warmirtiyeedka waxa uuna sheegay in gudoomiye jawaari uu ku xadgudbay dhowr
qodob oo Dasruurka dalka u yaalla.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uusan noqon qof dhex dhexaad,isla markasna uu
talada u dhiibtay xildhibaano yar.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen in uusan dhisin ilaa iyo hadda guddiga adeega
baarlamaanka oo ay sheegeen in uu yahay qodob dastuuri ah,kaas oo qorshuhu ahaa
in la dhiso kulankii ugu horeeyey ee Baarlamaankii 9aad ee uu gudoomiye ka ahaa
Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.