Home Afsomali Wasiir Xuseen Tuuryare oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka digay haan...

Wasiir Xuseen Tuuryare oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka digay haan weyn oo ku soo caarisay xeebta warsheekh

 

Haan weyn oon wali la ogaan waxa ku dhax jira ayaa kusoo caarisay Xeebta Dekadda Ceel Macaan ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halka ay taalo haantaasi booqday masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle.

Shacabka ku dhaqan Ceel Macaan ayaa cabsi xoogan ka qaba haantaasi kusoo caarisay, waxa ayna shacabku ka cabsi qabaan in haantaasi ay ku jiraan kiimo iyo waxyaabo kale oo nolosha halis galin kara.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekada Gadiidka ee Maamulka Hir-Shabeelle  Xuseen Tuuryare oo booqday halka haanan kusoo caarisay sheegay in baaritaan lagu wado haantan oo ah mid daboolan oon la ogeyn waxa ay tahay iyo waxyaabaha ku jira.

Waxa uu uga digay Wasiirka bulshada ku dhaqan Ceel Macaan in ay ka fogaadaan haantan soo caarisay oo laga yaabi karo in ay ku jiraan waxaabo kiimiko ah oo dhibaato gaarsiin kara bulshada.

Xeebaha Soomaaliya ayaa marar badan waxaa kusoo caariyay haaman iyo waxyaabo kale kale, waxaana biyaha Soomaaliya noqdeen meel lagu daadiyo qashinka iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee kiimikada ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.