Home Afsomali Ciidamada dowlada oo Muqwdisho airport ku qabtay saraakiil ka socotay Dowlada...

Ciidamada dowlada oo Muqwdisho airport ku qabtay saraakiil ka socotay Dowlada Imaaraadka oo shandado ku sitay malaayiin doolar

Wararka naga soo gaaraya garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka nabad sugida ee halkaas ku sugan ay gacanta ku dhigeen lacago kaash dollar ah oo ku jiray saddex boorso oo waaweyn.

Lacagtan oo lagu qiyaasay malaayiin dollar ayaa waxaa lagu qabtay saraakiil ka tirsan safaarada Imaaraadka Carabta ku leedahay Somalia oo la socday dayuurad gaar ah saaka timid garoonka Aadan cadde.

Ciidamada nabad sugida ayaa la sheegay iney su’aalo weydiinayaan saraakiisha Imaaraadka Carabta oo markii hore diiday boorsooyinkaas in la baaro dibna ugu celiyey dayuuradii Keentay, iyadoo looga shakiyey lacagtan in lagu maalgeliyo qorsheyaal lidi ku ah dowlada Somalia, maadaama uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in la xayiray dayuurad yar oo lagu wareejiyey qeyb ka mid ah lacagtaas taasoo ku wajahneyd mid ka mid ah Maamul goboleedyada dalka.

Saraakiisa ciidanka nabad sugida ayaan weli ka hadlin lacagtan ay qabteen iyo halka ay ku socotay,  mana ahan markii ugu horeysay ee la qabto lacago dollar kaash ah oo lagala soo degayey garoonka Aadan cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.