Home Afsomali Dhageyso Askarigii Kismaayo Xaaskiisa ku dilay waa Xiran yahay cadaalada ayaana la...

Dhageyso Askarigii Kismaayo Xaaskiisa ku dilay waa Xiran yahay cadaalada ayaana la horgeynayaa

Taliyaha ciidamada Booliiska maamulka Jubbaland Maxamed Naasir Guuleed ayaa sheegay in ay cadaalad heli doonaan qoyska ay ka geeriyootay haweeney dhawaan Magaalada Kismaayo uu ku dilay ninkii qabay oo ka tirsanay ciidamada Booliiska maamulka Jubbaland.

Ninka dilka gaystay ayaa lagu magacaabaa Cabdullahi Asad Ismaaciil, wuxuuna dilay xaaskiisa oo lagu magacaabo Muxibo Maxamed Guurre, sida ay xaqiijiyeen ehelada Marxuumada dilka loo gaystay.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo tilmaamayay in uusan xirneen Askarigii dilay haweeneydaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwoo aan waxba ka jirin wuxuuna intaas uu raaciyay”ciddii u baahan in ay aragto ama xaqiijiso xariga askari waan tuseynaa”.

Waxaa kaloo uu yiri shacabka ayaan ugu digayaa wararka beenta ah ee leysla dhax maraayo in ay rumeystaan.

Maxamed Naasir Guuleed taliya booliiska ayaa sidoo kale sheegay in wali ay socdaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceyn, isagoona tilmaamay in dhawaan Maxkamad la soo taagi doonaan Askarigii dilka geystay.

“Way adagtahay kiisaska nuucaan ah oo ku saabsab nin dilay xaaskiisa” ayuu yiri Taliye Maxamed Naasir Guuleed

Gacan ku dhiiglaha dilay xaaskiisa ayaa hadda wuxuu ku xiran yahay Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.