Home Afsomali Dowlada Emaaraadka oo u yeedhay cabdiweli gaas si uga abaal mariso...

Dowlada Emaaraadka oo u yeedhay cabdiweli gaas si uga abaal mariso hadaladii uu ku taageerey

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku wajahan dalka isu tagga Imaaraadka oo casuumaad uu ka helay.

Safarka madaxweyne Gaas ayaa la shaacinin sababta ka dambeysa, laakiin waxaa la xaqiijiyay in uu casuumaad uu ka helay madaxda dowlada Imaaraadka, kuwaas oo diyaarad khaas ah u soo diray Gaas.

Todobaadkii hore ayaa madaxweynaha maamulka Puntland uu ka hadlay xariirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Gaas wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah, wuxuu kaloo tilmaamay in aysan jirin wax u dhaama Imaaraadka oo ay ku badalan karaan, isagoona raali giliyay Imaaraadka kana dalbaday in ay sii wataan shaqooyinka ay ka hayeen Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.