Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa su’aal ka keenay hadal ka soo yeeray Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ahaa in xubnaha Wasiirada ee musharaxiinta ah inay is casilaan inta aanay u tartamin xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Wasiir Xoosh ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaa uu dood sharciyeed ka keenay hadalka Guddiga, wuxuu sheegay in qof Wasiir ah uu u tartami karo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. isagoo aan is casilin.
Mr Xoosh ayaa sheegay in marka qofka Wasiirka uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha uu markaas weynayo xilkiisa Wasiirnimo.
“Qof Wasiir ah ahna Xildhibaa waa inuu iska casilaa Wasiirnimada inta uusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka ? Maya, Qodobka 59aad xarafka (c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa, isagoon is casilin, laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka uu noqdo, wasiirnimadii waa gubattaa”ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Xubin ka tirsan Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka C/llaahi Shaacir ayaa sheegay in xubnaha Wasiirada ee Musharaxiinta inay iska casilaan xilkooda, inta aysan u tartamin, waana xaalad dhalisay doodo kala duwan.
Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Biyaha, Wasiir kuxigeenka Boostada ayaa ka mid ah xubnaha Wasiirada ee illaa iyo hada ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaraya illaa todobo musharax.