Saraakiisha ciidamada Daraawiishta ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn ciidamo Milatari ah oo ka soo goystay Soomaaliland oo tiro ahaan gaaraya in ka badan 100 askari oo hubkoodu u dhan yahay .
Sareeyo Guuto Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) iyo Guddoomiyaha gobolka Nugaal Korneyl Cumar Cabdullaahi Maxammed (Fara-weyne) iyo masuuliyiin kale ayaa goob fagaara ah ku soo bandhigay ciidamadaas oo tiradooda ay gaareyso 110 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Guutada Gacan libaax oo fadhigooda uu ahaa Jiida hore ee Gobolka Sool.
Dhamme Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax) oo hogaaminayay ciidamadaas la sheegay in ay ka soo goysteyn Soomaaliland ayaa sheegay in ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyin ay kala kulmeyn Soomaaliland inkastoo uusan caddeynin dhibaatadii lagu hayay.
Dhamme.Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax) oo ciidamadaas hogaaminayay ayaa sheegay in Maamulka Soomaaliland ay ku joogeen Gobolka Sool Ciidamada haatan ku biiraan kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland.
Ciidamada oo gaarayay 110 Askari ayaa waxaa soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid ahaayeen Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) iyo Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl Cumar Cabdullaahi Maxammed (Fara-weyne) iyo masuuliyiin kale.
Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadan xagooda usoo goostay in ay gaarayaan 110 askari oo ka tirsanaa Guutada Gacan Libaax ee Taliska Guud ee Milateriga Somaliland, inkastoo ciidamada lasoo bandhigay ay aad u yaraayeen.
Ciidamadan Somaliland kasoo goostay waxaa hogaaminayay sargaal lagu magacaabo Dhamme C/llaahi Cabdi Cali, waxa uuna sheegay sargaalkan in awooda Somaliland ku joogtay gobolka Sool iyagu ahaayeen.
Maamulka Somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin ciidamadan kasoo goostay ee ku biiray dhinaca Puntland, mana ahan markii ugu horeesay ciidamo katirsan Somaliland usoo galaan dhinaca Puntland.
Ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa isku horfadhiya deegaano katirsan gobolka Sool, mana jiro waan waan muuqata oo lagu kala qaadayo ciidamada is hor fadhiya.
Ciidamadaan ka tirsanaa Milateriga Soomaaliland ee ku soo biiray Maamulka Puntland sida lasheegay ay ku soo aadeyso xilli xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ay weli ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Sool.