Home Afsomali VIDEO Hay’ada Hormuud Telecom Foundition ayaa Deeq Lacageed oo Gurmad ah...

VIDEO Hay’ada Hormuud Telecom Foundition ayaa Deeq Lacageed oo Gurmad ah Gaar siisay Bukaanada Ku Jira isbitaalada ugu Waa weyn Muqdisho. ( daawo sawirada )

https://youtu.be/wfIDTaZjGvA

Hay’ada Hormuud Telecom Foundition ayaa Maanta Deeq Lacageed oo Gurmad ah Gaar siisay Bukaanada Ku Jira isbitaalada ugu Waa weyn Muqdisho.

Isbitaalada Ia Gayay Gurmadka ayaa Kala ah Madiina, Banaadir, Dayniile, Kaysanay, IYO isbitaalka Lan saliite.

Gurmadka Hay’ada Hormuud Foundition ay Gaarsiisay isbitaaladaan ayaa Kala ahaa Deeq Lacageed, oo Bukaanada Loo Qaybiyay Raashin ka Kooban Bur Bariis Saliid iyo Timir ay Ku afuraan iyo Sidoo kale shidaal loo Qaybiyay Isbitaalada.

Bukaanka Walba oo isbitaalka Jiifa waxaa La siinayay lacago kaash, Waxaana Bukaankiiba Ia siinaayay $100 Dollar.

Deeqdaan la gaarsiiyay Bukaanada jiifa Isbitaalada ayaa ah Mid soo Jireen ah oo Hormuud Sanad Kasta Bisha RAMADAAN ay ku Tabarucdo Dadka Ubaahan Gurmad.

Maamulaha Hay’ada Hormuud Foundition Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan oo Ay Hareer Fadhiyaan Masuuliyiin Ka Tirsan Shirkada Hormuud iyo Madaxda Isbitaalada ayaa Sheegay in Deeqdaan Kala Duwan ay Ugu Tala galeen Walaalahood, Si Bisha RAMADAAN ay ugu Moodaan.

Masuuliyiinta Isbitaalada Maanta Deeqdaan La Gaarsiiyay ayaa Ka Mahad-Celiyay Waxayna Sheegeen in ay Hormuud Sanad Kasta Ay Garab Taagan tahay Dadka ubaahan Gurmadka.

Sanad Kasta, Tan iyo Markii La Aasaasay Hay’adaan Hormuud waxay Waday Garab istaag iyo sidii ay u Caawin Laheed Walaalahood Dhibaataysan.

??
??
??
??
??
??

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.