Xubnaha xalay la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo noqday qofka kaliya ee ka soo laabtay Wasiiradii Musharaxiinta noqday ee isu casilay Musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waana ninka kaliya ee inta booskiisa iska casilay oo ahaa Wasiiru dowle helay Wasiir buuxa, iyadoo la xusuusto inuu tanaasulay wareegii labaad ee doorashada, isagoo ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa
Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa noqday wasiirka kaliya ee la eryay, kaddib muddo 10 bilood oo xilkan uu hayay, waxaa la xusuustaa in lagu bedelay booskii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Cabaas Siraaji.
Ugu dambeyn waxaa Wasiiradii xalay la magacaabay ka dhex muuqda xubnihii hormuudka ka ahaa Mooshinkii laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo aakhirkii dambe isku casilay qalalaasihii hareeyay Baarlamaanka.
Dad odorasa siyaasadda ayaa calaamad su’aal gelinaya la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ee xilligan, maadaama badankood ay yihiin Xildhibaano, waxaana tani ay dad badan soo xusuusineysa kaalintii Wasiiraddii Xildhibaanada ahaa ka qaateen ololihii Mooshinka looga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari, kuwaasoo ku dhowaad 40 xildhibaan ee saxiixay mooshinkaas ay ahaayeen Wasiiro.
Halkan hoose ka akhriso magacyada Wasiirada inta Xildhibaanada ah.
- Xamza Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka, waa Xildhibaan,waxaana uu kursiga ka beddelay Maryan Qaasim oo Bishii November ee sanadkii hore iska casishay xilkaas.
- C/rashiid Maxamuud Xasan,waa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musoobiiyinka,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq Cali,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga, waa Wasiirka ugu da’da yare e wasaaraddan soo mara, waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta,waxaa uu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga,waana Ninka kaliya ee aan ku jirin Golaha shacabka Wasiirrada xalay la magacaabay.
- C/casiis Xasan Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, waxaa uu iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,waxaa uu ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa doorashadii guddoonka Golaha shacabka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.
- C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.
- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga,Waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.
- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta,waxa uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, waana xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.
- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka, waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya..
Sidoo kale
Maxaa cusub?.
- 13; ka Wasiir ee la magacaabay kuma jiro Qof Haween ah,waxaana ay tani saameyn taban ku leedahay saamiga Siyaasadda Haweenka ee 30%.
- Safaaradaha Soomaaliya ee banaan waxaa ay ahaayeen 12; Safaaradood hadda waxaa ay noqonayaan 13,waxaana ku biiraya Safaaradda Sucuudiga ee uu ka soo tagay Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka War faafinta.
- Wasiirradii isu casilay rididda Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaa ka soo laabtay hal wasiir oo ah C/Casiis Lafta Gareen.
- Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq Cabdullahi Cabdi waa wasiirka kaliya ee la eryay,waxaa uu xilkan hayay 9; bilood oo kaliya,waxaa uu beddelay Cabaas Sheekh Siraaji oo 3dii May 2017 lagu dilay Muqdisho,waxaana hadda lagu beddelay C/Fitaax Geeyseey.
- Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ay yeelatay Wasiirkii saddexaad muddo sanad iyo bil ah,waxaana ay tahay Wasaaradda ugu badan ee la isu beddelay Xukuumadda Kheyre.