Home Afsomali Dhageyso madaxweyne Cali Cabdulaahi Cusoble oo ka deyriyey Nolosha ay Gobolka...

Dhageyso madaxweyne Cali Cabdulaahi Cusoble oo ka deyriyey Nolosha ay Gobolka hiiraan

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cusoble  oo ka hadlay xaaladda Baledweyne iyo Arimo kale

Xaafadaha qaar Ee magaalada Baladweyne waxaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku laabanayay dadkii uu saameynta ku yeeshay fatahada wabiga shabeelle ee ku noolaa Duleedka Magaaladaasi.

Hogaamiyhiii hore ee maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdulaahi Cusoble  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in danta ay ku qasabtay shacabka reer baladweyne inay mar kale dib ugu laabtaan guryahooda hasa yeeshee aysan haysan wali sabab cad oo ay dib ugu laabankaraan, isagoona cabsi ka muujiyay xaalada magaalada.

Cali Cabdulaahi Cusoble  ayaa geesta kale sheegay in loo baahanyahay in markala laga talaabo xaalada wali taagan in la dejiyo qorshooyin kale oo looga bad baadi karo saameyn mar kale ka dhasha fatahaad uu sameeyo wabiga shabelle ,islamar ahaantaana keena inay dad badan ka hayaamaan xaafadihii ay ku noolaayeen.

Hogaamiyihii hore maamul Goboleedka hir-shabeelle ayaa fariin udiray ganacsatada Magaalada Baladweyne iyo hogaanka Maamulka Hirshabelle, taasi oo ku saleysan inay si wada jir ah iskaga kaashadaan qaabkii loo sameyn lahaa dadaalo salka ku haya sidii loo dejin lahaa barnaamij wax looga qabanayo dhibaatooyinka fatahaada ee wabiga shabeelle uu sameeeyo.

Shacabka ku nool Baladweyne ayaa waaya joog unoqday fatahaado is xig xigay oo saameyn adag ku reebay Naftooda islamarkaana keenay inay deegaansadaan banaanka magaalada, kana soo kacaan dhismooyin laga sameeyay baco iyo geedo leysku xer xeray kuwaasi oo iyagaba ku yimid gar gaar waqti badan ay sugayeen uana dirtay dowladda soomaaliya, balse xaalada nolol iyo deegaan ahaan ee dadkii uu saameeyay fatahaada ayaa hada ka soo yara hagaageysa sidii hore.

Hoos Ka Dhageyso

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.