
Diyaarad nuuca Rakaabka qaada oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa mudo 55-sano kadib waxa ay si toos ah uga degtay garoon kuyaala dalka Cuba iyada oo sida rakaab .
Shirkadda Jet Blue ayaa noqoay shirkadii ugu horeesay oo Mareykankan ah oo Diyaaradeeda Duulimaad toos ah ku tagto dalka Cuba, waxaana Diyaarada oo kasoo duushay Magaalada Fort Lauderdale ee Gobolka Florida ay ka degtay Magaalada Santa Clara ee Gobolka Villa Clar ee dalka Cuba.
Rakaabka Diyaarada saarnaa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Santa Clara ee dalka Cuba, waxaana halkaasi uga hor tagay dad badan oo luxayay astaanta calanka Dowladaha Mareykanka iyo Cuba.
Safiirka Cuba ee Mareykanka, Amb. Jose Ramon, ayaa shaaca ka qaaday in ay ku faraxsan yihiin in uu dib u bilowdo Duuimaadka Diyaaradaha iskala kala goosha Mareykanka iyo Cuba, waxa uuna tilmaamay in tilaabadaasi ka dhalatay heshiiska labada dal.
Dowladaha Mareykanka iyo Cuba ayaa mudo badan wax xariir ah lahyen, hasa ahaatee dhawaan ayaa labada dal waxa ay ku guuleesteen in ay xariirkooda dib usoo celiyaan ayna bilaabaan xariir wanaagsan.
Ahmed Muse Hoosh liked this on Facebook.
Xabiibo Cali liked this on Facebook.
Fadlan,waxaan jeclaan lahaa in wararkaaga ay noqdaan kuwo Mar keliya soo qorma oo aad ka deyso in ay dhowr goor soo qormaan.mahadsanid
Ahmed Hassan liked this on Facebook.