Home Afsomali Aqriso magaca iyo qabiilkiisa nin kii isku qarxiyey albabka madaxtooyada Xamar

Aqriso magaca iyo qabiilkiisa nin kii isku qarxiyey albabka madaxtooyada Xamar

Qaraxa Muqdisho (1)

Sida ay baahisay idacada Andulus ee Taageerta Alshabaab oo laga dhaegystay barta internetka ay ku leeyihiin cod u muudo in uu ahaa dardaaran kii ugu daneeyey jaabir cabdulaahi diiriye oo ahaa ninkii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay inta u dhaxeysa hoteelada S.Y.L Siyaad iyo afaafka hore ee Madaxtooda Somaliya

 

Idaacada oobaahineysay maqal laga duubay Ninkan ayaa magaciisa ku sheegeen Jaabir C/llaahi Diiriye oo 44 jir ahaa, kuna dhashay degaanka Buusaar ee gobolka Gedo, waxayna Al-shabaab sheegtay inuu ka soo jeedo Beesha Mareexaan.

Wareysi ay idacadu la yeelatay Jaabir C/llaahi Diiriyeayuu ku sheegay in arintaan ismiidaaminta ah iyo weerarkiisa uu Alle ugu dhowaanayo uuna naftiisa u hurayo leynta wax uu u ku tilmaamay cadowga Alle.

Qaraxa Muqdisho  (2)

Jaabir cabdulaahi ayaa gaari xamuul ah oo noociisa lagu sheegay U.D ama candha meydle lix bool ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa iyo biro waaweyn oo badan ayaa xoog ku jiiray barkoontarol oo ciidamada dowladu gawaarida ku baaraan wuxuuna maray taalada sayid ciidanka ayaa arkay xili uu sii marayey dhismaha baarlamaanka dhinaciisa waxayna ku fureen risaas xoogan oo sababtay in gaariga taayarada ay ka banjaraan balse xawaaraha uu ku socday iyo qadarta alle ayaa u sahashay in gaarigu gaaro albaabka madaxtooyada halkaasi oo uu isku qarxiyey ninkaan magaciisa lagu sheegey Jaabir Cabdulaahi  Diiriye qabiilkiisana lagu sheegay mariixaan ku dhashay buusaar oo ka tirsan gobolka gado.

Qaraxa Muqdisho  (4)

Qaaxaan ayaa ka mid noqonaya qaraxyada ugu saameynta badan ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana ku dhaintay saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa halka ay ku dhaawacmeen xildhibaano wasiiro wariyayaal iyo dad kale oo shacabahaa

 

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.