Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha oo hogaamisa madasha wadaxaajoodka Dawladda iyo hay’adaha Rayidku leeyihiin (Public Private Dialogue PPD) isla markaana dhista sidii Shirkadaha Soomaaliyeed u noqon lahaayeen kuwo casri ah oo xiriir la leh shirkadaha iyo suuqyada Aduunka ayaa maanta ku dhawaaqday in ay bartamaha July qabanayso shirweyne lagu abuurayo golaha Haweenka ku guuleystay Ganacsiga (Women in Business working group) iyo golaha Wershadleyda dalka (Small and Medium Factories working group) taasoo wax weyn u soo kordhin doonta Gabdhaha Ganacsiga ku jira iyo horumarinta Wershadaha dalka