Home Afsomali Alshaab oo weerar dhabo gal ah ku dilay Xildhibaan Ismaaciil Muumin ...

Alshaab oo weerar dhabo gal ah ku dilay Xildhibaan Ismaaciil Muumin iyo xildhibaan Macallin Daahir

 

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo ciidamo galbinayey.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel dhinaca waqooyi kaga beeggan magaalada Balcad. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa kolonyadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle

iyo Muuse Afweyne oo ahaan Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda degmada Raaga-Ceelle  dilka ayaa Ka dhacay duleedka degmada Balcad.

iyo qaar ka mid ah askartii la socotay, islamarkaana la gubay illaa labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari kuwa dagaalka.

Xildhibaannada la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil Muumin  iyo Macallin Daahir oo labaduba ka mid ahaa xildhibanada Hir-Shabeelle.

Sidoo kale, wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa lix askari ay ku geeriyoodeen oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo xildhibaanada ilaalo u ahaa.

Ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid Johwar iyo Balcad ayaa gaarey goobta uu ka dhacay weerarka ee degaanka Ilbaq, kuwaas oo goobta kasoo waday xildhibaanadii waddada loo galay.

Dhanka kale

Ganacsade Ayaa lagu dilay, Degmada Wadajir Ee Gobolka banaadir.

Ganacsadaha la dilay, Ayaa lagu Lagu Dilay. Aagga saldhiga Degmada.

Kooxihii Dilka Geysatay, Ayaa Goobta Isaga Baxsaday, Waaxana Hadda Goobta Soo Gaaray Ciidamo Aad U Tira Badan.

Dilka ninkaan, ayaa ku biiraya, tiro dilalal ah, oo bishaan Ramadaan dhaceen.

Muqdisho Waxaa ku Soo batay Dilalka Qorsheesan Waxaana intaa dheer in Ciidamada Amnigu ay wadaan Baaritaano Hadana aysan joogsaneen Dilalka Noocaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.