Maalmihii la soo dhaafay Magalada Muqdisho waxaa ku soo kordhayey isku-dhacyada Ciidamada dowladda Dhexdooda ah kaas oo sababay dhimashada dad Shacab ah.
Dagaaladaas ayaa waxaa Warka soo saartay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,iyada oo dalbatay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dadkii ku waxyeeloobay dagaaladaas.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in marnaba aan loo dhisin ciidamada in ay dilaan dadka ay u adeegayaan xilliga ay howlgallada wadaan.
Waxa uu ka dalbaday Xeer ilaalinta Qaranka in baaris dhab ah ay ku sameyso dadka Shacabka ah ee ku geeriyooday dagaaladaas,isla markana dhiiga dadka Shacabka ah aan laga hari doonin.
Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in qofkii arrimahaaasi ku soo cadaadaan loo ciqaabi doono, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ciidamada kula dar-daarmay in ay bartaan qeybaha kala duwan ee aqoonta, rajooyinkooda iyo hamigoodana ay sara u qaadaan.
Mar uu soo hadal qaaday dhacdooyinka ciidamada dhexdooda ah oo maalmahaan dambe ka dhacayaye magaalada ayuu si cara leh u sheegay in aan la aqbali doonin in shacab ay ku dhinteen isku dhacyada ciidamada.
Laamaha barista oo kaa shanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amaray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona cadeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod ayaa horay digniin uga soo saaray isku-dhacday Ciidamada dhexdooda ah lamana oga in waxka bedeli karo hadalka ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka ee Soomaaliya dagaalada mar walba dhex mara Ciidamada dowladda
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka ee Soomaaliya.
.