Dhulkaan oo ku yaalla Dhabarka dambe ee Xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Looyaqaanno Foorilow ayaa waxaa cabasho xoogan oo ku aadan boob ka dhan ah dhulkooda ay ka soo yeereysaa Qoysaska Malki ahaan iska leh dhulkaasi.
Malkiilayaasha Iska leh dhulkaasi oo u badan Dad da’ah ayaa sheegay in ay yihiin Goofleydii ku dhashay dhulkaas oo ka dhaxlay illaa Awoowayaashood , islamarkaana haatan la doonayo in la boobo In la boobo dhulkooda iyadoo loo adeegsanayo Shaqsiyaad huwan Shaalka dowladda.
Ugu horreyn Xasan Cabdulle Yabarow oo ka mid ah Malkiilayaasha iska leh dhulkaasi la doonayo in la boobo ayaa tilmaamay in uu yahay 80 Jir ku dhashay dhulkaas , islamarkaana ay tahay wax aan la aqbali karin in dhulkii uu awoowgiis ka dhaxlay in xoog looga qaato.
Sidoo kale Malkiilayaasha dhulka Foorilow ee u dhexeeya Asluubta iyo Era A Ayaa faah faahin ka bixiyay shaqsiyaadka doonaya in ay xoog ku qaataan dhulkooda , oo ay sheegeen in docomentiyo Been abuur ah u sameysteen ayna isla koreen Maxkamadaha dalka , islamarkaana la ogaaday in ay sitaan docomentiyo been abuur ah, dhulkaana uu yahay mid dad danyar ah oo Goofleey ah ay leeyihiin kuwaas oo ay xoog uga qaadan rabaan shaqsiyaad gobollo fog fog uga yimid boobka dhulkaasi.
Ugu dambeyn mid ka mid ah Hooyooyinka malki ahaan wax ka leh dhulkaas oo ah Hooyo da’ah ayaa ku eedeeysay Cabdirisaaq Showle.