Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaaliland,ayaa sheegaya in Saddax Caruur oo isla dhashay uu gaari ku jiiray agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa,islamarkaana ay dhammaantood ay Caruurta geeriyoodeen.
Goob jooge ka mid ah Dadka Degaanka ka agdhawaa halka ay dhacdada ka dhacday ayaa Danan u Xaqiijiyay in Saddaxda caruurta ah ee isla dhashay uu jiiray Gaari Nuuca Xaamulka qaada ah,kaas Darawalkii waday gaari uu isku dayay in uu baxsado laakin sida uu tilmaamay ay gacanta ku dhigeeen Ciidamada Ammaan ee Maamulka Soomaaliland.
Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka Maamulka Soomaaliland Feysal Xiis,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen Darawalkii waday gaariga Caruurta jiiray,islamarkaana ay baaritaano ay wadan qaabka uu shilkan u dhacay.
Sikastaba ha haate waxa inta badan Degaanada Maamulka Soomaaliland ka dhaca shilka kala duwan oo geysta khasaaro dhimasho iyo dhawac leh,iyadoona horay Maamulka Soomaaliland ay u shegeen in ay wax ka qaban donaan Shilka madama ay inta badan Dadka ay waxyeelada soo gaareysa ay yihiin Dad Shacab ah.