Home Afsomali Ethiopia oo dhawaan dunida u iib geyneysa Shiidaal shirkad Shiineys ah ka...

Ethiopia oo dhawaan dunida u iib geyneysa Shiidaal shirkad Shiineys ah ka soo Sartay kilinka 5aad

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabi doono Khamiista inuu ka soo saaro shidaal cayriin degaanka Soomaalida sida ay warbaahinta gudaha ku warramayso.

Mr Abiy wuxuu sheegay in baaritaanka, oo muddo dheer ka socday gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan.

Shirkad Shiinaha laga leeyahay, Poly-GCL, ayaa mashruuca qaadatay.

Shirkaddu waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo.

Mr Abiy wuxuu sheegay in shaqada dhismaha dhuun shidaalka qaadda oo gaysa Jabuuti ay dhawaan billaaban doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.