Home Afsomali Oromada oo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaaday somalida...

Oromada oo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaaday somalida dagan baabili. Erer iyo Biisidiimo ee kilinka 5 shaad iyo Muuqaalka Baabili

https://youtu.be/VNVsE3RPUKA

Dagaal culus ayaa  ka socdo gudaha magaalada Baabili oo ka mid aheyd dhulkii ay dowladii dhacday dagaalka ku qabsatay 77kii isla markaana maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo kamida dhulka sida xaqdarda ah maamulka Oromada loo hoos geeyay.

Dagaalladan oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii faafay  magaalada gudaheeda. Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof waxaa kale oo jira dhaawac tiro badan waxaana burbur xooggan loo geystay goobaha  ganacsiga oo ay Soomaalidu ku lahayd magaalada Baabili oo u dhaxeysa jigjiga iyo dhagaxbuur .

Maleeshiyaadka Oromada iyo shacabka oo is wata ayaa waxay cagta mariyeen suuqyada  ay Soomaalidu ku lahaayeen magaalada Baabili waxay sidoo kale bur buriyeen hanti badan oo dad shacab ah lahaayeen. Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi lasoo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo iyo harar geey  waxay ku fideen gudaha Baabili.

Dagaaladan ayaa waxaa dabada ka riixaya kooxda TPLF waxaana idiin soo gudbin doonaa wixii kasoo kordha haduu ilaahay yiraahdo.

heshiisyadi Hore Hal;kaan ka daawo 

https://youtu.be/KtrBTXkjuWg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.