Gudoomiyihii hore ee Degmadda Qorleey, Gobolka Shabeelaha hoose Cusmaan Sheekh Cali Buraale ayaa maanta Qarax miino lagula beegsay Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay Gudoomiyaha Baraawe.
Aadan Cumar madoobe ayaa sheegay in Cusmaan Sheekh Cali gaari uu watay ay miino ku qabsatay gudaha Degmadda Baraawe islamarkaan uu halkaas ku geeriyooday .
Gudoomiye Aadan waxaa uu sidoo kale sheegay in la aasay gudoomiyihii hore ee Qorlooleey oo Qaraxa ku dhintay.
Lama ogo in Qaxu uu ahaa mid loogu talo galay Cusmaan Sheekh Cali Buraale iyo in uu u qabsaday si shil ah.
Al-shabaab ayaa lagu yaqaanaa Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo beegsiga saraakisha Dowladda ama dadka Dowladda lasoo shaqeeyay.