Home Afsomali Askartii ugu horeysay ee ka cabata mushaar la,aanta ciidamada dowlada ayaa ka...

Askartii ugu horeysay ee ka cabata mushaar la,aanta ciidamada dowlada ayaa ka bilaabatay Kismaayo

asakri-jaban

Askartii ugu horeysay ee ka cabata mushaar la,aanta ciidamada dowlada ayaa ka bilaabatay Kismaayo

askarta ayaa ka tirsan kuwa maamulka Jubballand waxaa ayna muddo kooban qabsadeen xaruntii doorashada xubnaha aqalka hoose Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada hubeysan ay isku gedaameen xaruntaas iyagoo is hortaag ku sameeyey ergooyinka dooranaya xubnaha aqalka hoose oo saaka xaruntaas geli lahaa.

Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushahar la’aan dhowr bilood heysata iyo daryeel xumo, waxayna dalbanayeen in la siiyo xuquuqdooda.

Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Juballand ayaa dedaal dheer iyo wadahadal ka dib ku qanciyey ciidamadii gadoodsanaa iney ka baxaan xarunta doorashooyinka aqalka hoose ee Kismaayo, iyadoo loo sameeyey balan-qaadyo.

Xaalada xarunta doorashada aqalka hoose ee Kismaayo ayaa hadda caadi ku soo laabatay, waxaana loo fasaxay ergooyinka wax dooranaya iney gudaha u galaan, iyadoo goor dhow la filayo iney halkaas ka bilaabato doorashada xubnaha aqalka hoose oo maalintii afaraad halkaas ka socota.

askari-wax-loo

Ciidamada dowlada ayaan daryeel helin waqtiyada ay soo gaaraan dhaawacyada balse la jecel yahay inta ay caafimaadka qabaan hadana aan helin mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin

Inta bada ciidamada dowlada iyo shaqaalaha ayaan wax mushaar ah la siinin ku dhawaad mudo sanad ah waxayna u muuqataa in samirkii uu ka sii dhamaanayo.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.