Home Afsomali DJABOUTI OO ERIDAY DP WORLD MAGDHOW Na SIINEYSO

DJABOUTI OO ERIDAY DP WORLD MAGDHOW Na SIINEYSO

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay bixineyso lacago magdhaw ah oo ay siin doonto Shirkadda DP World oo muran muddo qaatay uu kala dhexeeyay.

Dowlada Jabuuti ayaa tilmaantay in magdhawgaasi uu noqon karo inka badan ama ka yar 500 Milyan oo dollarka mareykanka ah taa oo la bixindoono todobaadka soo socda.

Dowlada Jabuuti waxa ay tilmaantay in ujeedka magdhawga uu yahay si loo xaliyo murunka ka dhashay maamulka Dekadda Dooraale e dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha dekadaha iyo Maamulka Gobolka ee dalka Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diidan yihiin in gacan seddexaad ay ku lug yeelato wadahadal dhex mara Jabuuti iyo maamulka Shirkadda DP world.

Abuubakar Cumar Haadi, waxa uu intaa raaciyay in shirkada DP World laga doonayo inay la fariistaan Jabuuti ayna qaataan lacagta ay magdhow ahaan ogol yihiin inay bixiyaan.

Guddoomiyaha dekadaha iyo Maamulka Gobolka ee dalka Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi waxa uu yiri, “Waa inay annaga nala fariistaan, Qaataan Lacagtooda kadibna baxaan ahmiyada waa in la xaliyo khilaafka un”.

Warbixin lagu daabacay bogga arrimaha dhaqaalaha ka faalooda ee Financial Times ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti Todobaadkii lasoo dhaafay ay furmay Wajiga koowaad ee ganacsiga horta ah oo ay ku baxeyso 3.5 bilyan oo ay la galeen dowladda China.

Sidoo kale, shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaana arintaasi ku sheegtay inay tahay mid lagu jibinayo heshiiskoodii muddada 30 sano ah ee ku aadanaa dekadda Dooraale.

Dowlada Jabuuti waxay hadda sheegtay inay diyaar u tahay bixinta Magdhow-ga heshiiskii ay la galeen DP World, maadaama ay ka hor yimaadeen inay 30 sano maamusho dekadda Dooraale ee dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.