Iyadoo ay wali socdaan baaritaanada lagu haayo taliye ku xigeenkii hore ee NISA Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo dhawaan Shaqada laga joojiyay ayaa hadana warar saacadihii lasoo dhaafay soo ifbaxayay waxa ay sheegayaan in kiiska baaritaanka Jaamac ay ku soo biireen Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka
Hadalheynta ugu badan magaalada Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa aheyd u yeerista Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo looga yeeray xafiiska Hanti-dhowrka halkaas oo ay ka socdeen baaritaano la xiriiray lunsashada hanta uu ka dhacay Hay’adda NISA oo uu siihaye ka ahaa muddo 120, kadib markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay 29 October 2017 xilka ka qaadeen Agaasimihii NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Hanti-dhowrka Guud ayaa baaritaano ay sameeyeen ku ogaaday in 3-da Bil ee uu ku simaha ahaa Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu Lunsaday Mushaarka Hay’adda Laba Bil oo kamid ah isagoo mushaaraadka Sadaxdii Bil ee uu Bangiga kasoo qaaday ka bixiyay hal bil oo kaliya.
Ciidamada Ammaanka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa 23 Feb 2018 gudaha garoonka ku qabtay G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo xiligaas doonayay in uu garoonka ka dhoofo isagoo wata boorso yar taasoo markii la baaray kadib laga helay lacag dhan Hal Malyan oo doolarka Mareykanka ah ( 1 Million USD ).
Jaamac wuxuu ahaa taliye ku xigeenka NISA ee dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda, waxaa saraakiisha NISA ay ku dhaliilaan in uu yahay ninka ugu musuqmaasuqa badanaa saraakiishii soo martay xafiiskaasi, wuxaana intii uu xafiiskaasi joogay uu noqtay taajir si fudud oo dag dag ah ku sameeyay dhaqaale aad u xooggan.
Sidoo kale G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka Iibsaday Guriyo iyo Boosas ku yaalla goobo istiraatiiji ah, waxaana guri weyn oo Qasri ah uu ka dhistay dagmada Cabdulcasiis ee gobalaka Banaadir mudadii yareyd ee uu hayay xilka sii hayaha taliyaha NISA.
Dhawaan ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ay billaawday barista kiis ah in G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu Maleeshiyada Kooxda Al Shabaab ka gacansiiyay weeraro iyo Qaraxyo ay ka fuleyeen Magaalada Muqdisho.