The Ministry of Civil Aviation and Religious Affairs of Somalia and the Aircraft Company participating in the Hajj pilgrimage this year have been confronted with the controversy over the Hajj.
Wasaaradda Diinta Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya iyo Shirkadaha Diyaaradaha ee ka qeyb galaya Arrimaah Xajka ee Sanadkaan ayaa waxa ay hehsiis ka gaareen khilaafkii ka dhashay arrimaha Xajka.
waxaa siwadajir ah waxay xal uga a gaareen Madaxda shirkadaha duulimaadyada dalka iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta khilaafkii ka jirey Xajka taas oo sababtay in uu culeys ka yimaado.
Tan iyo burburkii dalka waxaa Xujeyda Soomaaliya ka baxeysa geynayey Xajka Diyaaradaha Jubba iyo Daalo,balse Sanadkaan ay codsadeen in ay ku soo biiraan Saddex Diyaaradood oo kale taas oo keentay in uu waqtigii loogu talo galay dib u dhaco,soona ifbaxo khilaaf.
Dadaal badan oo la sameeyey ayaa lagu guuleystay in xal laga gaaro,waxana dhawaan si toos ah u bilaaban doono Duulimaadyadii Xajka ee Sanadkaan.
Kusimaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo ku sugan dalka Sacuudiga iyo Madaxda Shirkadaha duulimaadyada ay go’aan ka gaareen khilaafkas,isla markaana Shan shirkadood ay Sanadkaan Duulimaadyada ka qeyb qaadan doonaan.
Farxaan Sheekh Maxamuud Sarkaalka Safaaradda Soomaaliya ee loo xil-saaray Arimaha Xajka ayaa waxa uu sheegay in Shanta Shirkadood ay duulimaad labo ka mid ahs ida Jubba iyo Daalo ay sitoos ah Muqdisho uga qaadi doonaan halka Saddex kale oo kusoo korortay ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti,isla markaana ay wakiisheen in halkaasi ay ka sii qaado Diyaarada ya leeyihiin Shirkado Caalami ah.
Waxa uu sheegay in tirada Guud ee Visaha Sanadkaan Xujeyda Soomaaliya ka imaaneysa ay tahay 9300 ,waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyey in waqtigii loogu talo galay Xujeyda ay waajibadkooda gudan doonaan,isla amarkaana Wasaaradda ay soo afjartay shuruudihii looga baahnaa Xajka Soomaalida.
Si kastaba murankii ka dhashay arrimaha Xajka ayaa sababay in ay xilalkii ku waayaan Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Maareeyihii Duulista Hawada