Home Afsomali Somali Prime Minister in Mogadishu welcomes a delegation of Eritrea R/wasaaraha Soomaaliya...

Somali Prime Minister in Mogadishu welcomes a delegation of Eritrea R/wasaaraha Soomaaliya oo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka socda Eriteriya ( DAAWO SAWIRADA )


R/wasaaraha Soomaaliya oo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka socda Eriteriya

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ereteriya Mudane Osman Saleh iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho si ay wadahadallo sare ula yeeshaan dawladda Soomaaliya.

Safarkan wafdiga ayaa ku soo beegmaya ka dib booqashadii uu Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku tegey waddanka Ereteriya.

Wadahadalladan ayaa looga gon leeyahay sidii iskaashi buuxa uu uga dhici lahaa gobolka, kaas oo muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Wafdigan ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliye mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.