Home Afsomali Madaxweyne ku xigeenada galmudug iyo puntland oo kobaha la dul marey qodobadii...

Madaxweyne ku xigeenada galmudug iyo puntland oo kobaha la dul marey qodobadii ka soo baxay shirkii kismaayo

Madaxweeyne Ku xigeenka galmudug Maxamad xaashi carabeey iyo Madaxweeyne Ku xigeenka Puntland cabdixakiin xaaji  cumar  cameey ayaa kasoo horjeestay shirkii kismaayo.
Labada madaxweeyne Ku xigeenka oo shirar jaraaid Ku kala qabtay garoowe iyo caabudwaaq ayaa wax lagu qoslo Ku tilmaamay dowlada wada shaqeeyntii Kala laabanay in kismaayo looga dhawaaqo.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirka golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Magaalada Kismaayo lagu soo gabegabeeyay.

Carabey ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay qodobadii shirkaas ka soo baxay oo ay kamid ahaayeen in dowlad goboleedyada dalka ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda dhexe Soomaaliya.

“Qodobada ka soo baxay shirka Kismaayo waa kuwo taabanaya masiirka ummada oo aysan go’aan ka gaari Karin shaqsiyaad kooban oo qol isku soo xirtay” ayuu yiri Carabey.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in maamulka Galmudug uusan xiriirka u jari doonin dowladda dhexe, isagoo madaxdii ku shirtay Magaalada Kismaayo ku tilmaamay kuwo bulshada horteeda ku fashilmay.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntulaand cabdixakiin xaaji cumar camey ayaa ku tilmaamay shirkii maamul gobaleedyada ee ka dhacay magaalada kismaayo asigoo Wuxu sheegay in aysan ficneyn in aan ku raadino mudo kororsi anaga maahan in aan qaranka u dumino mudo kororsi taasi caqli ma ahan.

Shacabka Puntland ma qaadi karaan ceeb ka timaada shirka lagu yeesha Magalada kismaayo inkastoo dalka madaxwayne dadaalayo iyo ra’isalwasare ay joogo ma ahan in kooxaha maamulada Dalka in ay dumiyaan rajada dalka waa inagu dambi, anigu gabi ahaan waxa kismaayo ka soo baxay shar baan u arkaa buu yiri madaxwayne ku xigeenka puntland.

Shacabkana wuxu ugu baaqay mantay in dowladnimo ugu dhow dahay waana in la garab istaagaa dowlada dhexe si aysan u dhicin kala qaybsanaan inoo horseedo burburki aan soo marnay.

Sikastaba ha ahate hadlkaan aya ah mid niyad jab ku ah maamuladi shirka ku yeeshay waxana la filaa in hadalkaan dhawaac ku yahay madaxda shirka iskugu timid

Go,aan wada tashi la,aan ah dhibkaas keena Madaxweyne ku xigeenadii Puntland Eng Camay iyo Madaxweyne ku xigeenka GalMudug Xaashi waa qaadaceen Go,aanadii kasoo baxay Shirka Kismaayo.

Shacabkana Soomaaliyeed 99% waa kasoo horjeedaan Go,aanada lagaga qoslinayo Shisheeyaha diidan in Dowlad Soomaaliya Awood leh dhalato.

#Guul_Soomaaliya Inshaa Allaah.

Labada masuul waxay tilmameen raga warkaas yiri ay iyaguba yihiin caqabada bulshada hortaagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.