Home Afsomali Ethiopia Baadari Masaajid iyo maniisad ka dhisaya

Ethiopia Baadari Masaajid iyo maniisad ka dhisaya

Baadari u dhashay dalka Itoobiya ayaa dhaqaale u aruurinaya inuu isku mar ku dhiso masaajid iyo kaniisad, kuwaasoo dhismahooda durba laga billaabay magaalo ku taalla gobolka Oromia.

Kaniisadda iyo masaajidka, oo horay ugu wada yaallay magaalada Lange, ayaa burburay, maamulka maxalliga ahna waxay u waayeen kharash ay dib ugu dayac tiraan.

Abba Aklilemariyam Komos ayaa sheegay in haddii uu dhiso kaniisadda, masaajidkana uu faraha ka qaado isagoo burbursan uu markaas “ku dhaqaaqi lahaa tallaabo uusan Alle raalli ka ahayn”.

haraadiga dhismeyaasha kaniisadda iyo masjidka ayaa la baabi’iyay, si iyagoo cusub dib loogu dhiso mar kale.

Fikirkiisa ku saabsan inuu dhaqaale aruurinta sameeyo ayaa soo billowday sanadkii 2015-kii, xilli uu booqasho ku joogay magaalada Lange, markaasoo uu soo arkay xaaladda xun ee kaniisadda.

Laakiin muddo gaaban ka dib wuxuu sii ballaariyay qorshihiisa, isagoo ku soo daray dhismaha masjidka cusub.

“Haddii aan dhaqaale u raadiyo dhismaha kaniisadda oo kaliya, walaalaha muslimiinta ahna uu masaajidkooda sidaas u burbursanaado, waxaan sameyn lahaa wax uusan ku farxin Alle. Diinteennu way kala duwan tahay laakiin jacaylkeennu ma kala duwana”, ayuu yiri.

Wuxuu la kulmay hoggaamiyeyaasha Golaha Muslimiinta ee dalka Itoobiya, isagoo ka codsaday inay dhaqaale uga soo aruuriyaan masaajidyada ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

“Waxaan aruurinta lacagta billaabay bishii October ee sanadkii 2018-kii, anigoo markii ugu horreysay tagay masaajidka Nuur ee ku yaalla Addis Ababa. Muddo ka yar labo bilood gudahood waxaan ku aruurinay lacag dhan 200,000 Ethiopian birr, taasoo u dhiganta [$6,200, £4,700]”, ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.