Home Afsomali Ciidanka dowladda oo xubno badan oo katirsan Al Shabaab ku dilay Deegaanka...

Ciidanka dowladda oo xubno badan oo katirsan Al Shabaab ku dilay Deegaanka Ceel-bashiir

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo kuyaalla inta u dhaxeysa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ku dilay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda weerareen goob koontarool u aheyd Al Shabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu dilay toban dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay goobta ay howlgalka ka fuliyeen ciidanka dowladda in Al Shabaab u aheyd isbaaro, waxa ay sidoo kale sheegeen in bartan u adeegsanayeen go’doominta magaalada Baydhabo.

Al Shabaab ayaa sannado kaddib go’doomisay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna Al Shabaab diideen in magaaladaasi la geeyo raashinka quutul daruuriga , sidaalka iyo waxyaabaha kale ee bulshada muhiimka u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.