Weerar ismiidaamina oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Xiliga uu Qaraxa ka dhacaayay xarunta ayaa waxaa halkaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo halkaa howl uga soctay.
Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Hodan Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sidda dadkii goobta tagay sheegeen.
Dagmada hodan ayaa lagu weeraray Qarax xoogan kaasi oo sida aanu wararka ku helayno loo ekeysiiyey dagmadii hodan ee sidaan oo kale lagu weeraray qarax loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah.
Guud ahaan xarunta degmada Hodan ayaa burburtay ka dib Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku qarxay xarunta degmada Hodan.
qaraxa uu dhacaayay ayaa shaqooyinkii maalinlaha ahaa waxa ay ka socdeen Xarunta Degmada.
Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Hodan Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sidda dadkii goobta tagay Risaala u sheegeen
Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee ku sugnaa meel ku dhow dhow goobta uu Qaraxa kadhacay.
Waxaa la maqlayaa guuxa gaadiidka gurmadka oo ku qulqulaaya halka uu Qaraxa kadhacay, waxaana xusid mudan in gaadiidka dagaalka ciidamada dowlada ay gaarayaan goobta Qaraxa.