Home Afsomali Fadliga Marti soorka iyo faaiidada ay leedahay fadlan sii aqri

Fadliga Marti soorka iyo faaiidada ay leedahay fadlan sii aqri

Fadliga Marti soorka
*********************

Nin Saxaabadii Rasuulka Sallallaahu calayhi wasallam kamid ahaa, ayaa waxa gurigiisa buuxi jiray marti kala duwan oo had iyo jeer gurigiisa marti la’aan ma ahaan jirin.

Xaaskii saxaabiga ayaa dhib satay karinta iyo diyaarinta cuntada oo mar walba oo aan kala go’ lahayn, Rasuulka Sallallaahu calayhi wasallam ayayna oga dacwootay martida tirada badan ee uu ninkeeda cazuumayo!

Rasuulka calayhi Salaatu wasalaam saxaabigii ayuu u yeeray Kuna yiri aniga ayaa kuusoo martinaayo ee ogow!
Saxaabigii aad ayuu ugu farxay Waxana uu u sheegay xaaskiisa in uu Xabiibka sallallaahu calayhi wasallam maanta marti u yahay!
Xaaskii aad ayay ugu faraxday maadaama uu Xabiibka suuban sallallaahu calayhi wasalam gurigeeda imaanayo!

Aad ayay u diyaarisay wax walba oo wanaagsan oo Nabiga Calayhi Salaatu wasalaam lugu sharfi karo.
Halkii ayaana Nabiga Calayhi Salaatu wasalaam lugu marti qaaday. Oo maalinkaas qoyska gurigaa ku noolaa Janno ayay u ahayd ogana wanaagsaneed!
Markii uu Xabiibku sallallaahu calayhi wasallam guriga ka baxayay ayuu saxaabigii ku yiri: “xaaskaaga iska dhaaf ha I eegto albaabka aan ka baxayo”!

Sidii ayay Xaaskii ku fiirinaysay Nabiga Calayhi Salaatu wasalaam oo guriga kasii baxayo, waxaana Nabiga sallallaahu calayhi wasallam ka daba baxayay wax walba oo wax dhibo sida abeesooyin, masas iyo harraan!!!
Hawaynaydii aad ayay ula yaabtay arrinkaa!
Marka ayuu Nabigu calayhi Salaatu wasalaam kusoo jeestay oo ku yiri: mar walba markii ay martidu gurigaaga ka baxdo waxaa la baxo balaayada iyo wax walba oo wax dhibo”!!!

martidu waa hadiyaddii Ilaahay ee hala karaameeyo martida!!

Marka aad qisada dhammayso, ku Salli Xabiibka sallallaahu calayhi wasallam.

Xigasho dariiqada sayid diirshe

DR HIIL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.