Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Xaafadda Towfiiq.
Wiil iyo gabar ka mid ahaa dadka deegaanka Towfiiq ayaa ku heshiiyay inay isguursadaan, kadib wada hadal iyo haasaawe dhexmaray labadooda.
Gabadha iyo wiilka ayaa ku heshiiyay guur, waxaana arrintaan si adag uga soo horjeesatay hooyada dhashay gabadha, dadaalo uu sameeyay wiilka gabadha rabay ayaa ugu dambeyn wuxuu ku qanciyay gabadha adeeradeed in lagu daro gabadha maadaama ay isjecel yihiin.
Wiilkii iyo gabadhii ayaa la isku daray, hooyada dhashay gabadha oo ku doodeysa Beesha Wiilka uu ka soo jeeda beesha xintiro halka gabadhune ay aheyd abgaal Gabadheyda ma guursanayaan, ayaa ugu dambeyn sameysay fal argagax leh, kadib markii garaash uu ka shaqeynayey wiilka adeerkii ay ugu tageen
Axmed Muqtar Saalax oo ku macag dheer Axmed dowlo oo wiilka adeer u ah,ayey si arxan daro ah halkaasi ay ku dileen, iyaga oo tooreeyo iyo waran u adeegsaday dilka, kadibna gubay Marxuumka.
Wiilka gabadha ayuu horey u guursaday waxaana muran ka dhashay uu sababay in laga furo xase yeeshee gabadha ayaa wiilka ka dalbatay in uu ka laabto go.aanka lagu qasbay .waxaana goosteen in ay isla baxsadaan mar kale
Meydka ninka la dilay hadane la gubay ayaa la geeyey xarunta C.I.D waxaana wararku sheegayaan in marxuunka qoyskiisu diideen in la aaso ka hor inta gacanku dhiiglayaasha la horgeynayo cadaalada
F.G qofk la dilay wiilkii maaha ee waa adeerkii