Home Afsomali Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) oo Noqday gudoomiyaha Gobolka hiiraan

Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) oo Noqday gudoomiyaha Gobolka hiiraan

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow),isagoo u magacaabay Guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed),kaas oo bedelaya guddoomiyihii xilka qaadista lagu sameeyay ee Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa waxa uu xilka Gobolka Hiiraan haayay muddo Shan bilood ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu Gobolka Hiiraan muddo sanad gudahood u magacaabay saddex Guddoomiye,kuwaasi oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.