Home Afsomali Sacuudi wuxuu soo wado iyo wabiga yaa weyn ma qadar ayuu qadkabkabsaari...

Sacuudi wuxuu soo wado iyo wabiga yaa weyn ma qadar ayuu qadkabkabsaari rabaa safarka kheyre farmaajo miyaa u diray dhaxalsugaha ayaa hadana qaabilay

 

-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

 

24

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.