Kaadi bani’aadan ayaa loo isticmaalay in laga sameeyo bulkukeeti (Jaajuur) aan bii’ada wax u dhimayn oo ay soo saareen arday dhigata jaamacad ku taalla South Africa.
Waxay isku datreen kaadi, ciid, iyo bakteeriya, hanaan u saamaxaya in isku darkaas uu ku dhagaxoobo heerkulka caadiga ah”.
“Waxay la mid tahay sida jaballadu ugu dhex samaysmaan badda” ayuu ku yiri saxaafad Dyllon Randall, oo ah macallinka dusha ka eegaya ardayda samaysay bulukeetigaas oo dhigata jaamacadda Cape Town.
Bulukeetiga caadiga ah aya u baahan in la gaarsiiyo heerkul aad u sarreeya, si loo dhaliyo xaddi badan oo ah curiyaha
Lahaanshaha sawirkaUCTImage captionAfar ilaa lix maalmood ayey qaadataa in lagu sameeyo
Ardayda dhigata kulliyadda injineeriya ee jaamacadda ayaa suuliyada ragga ka soo qaaday kaadi.
Waxay markii hore sameeyeen bacrimiye adke ah, ka dibna dareerihii ka haray ayey u isticmaaleen hanaan baayolojiyeed , kaasoo bakteeriyada ay ku sii deynayso wax loo yaqaanno enzyme oo sii burburinaya waxyaabaha ay kaadida ka samaysan tahay, halkaana ka soo saaraya maaddada calcium carbonate, taasoo iyadana isku qabanaysa ama isku haynaysa ciidda iyo dhagaxa.
Xoogga uu bulukeetiga leeyahay iyo qaabkiisa ayaa loo bedbeddeli karaa hadba sidii loo baahdo.
Qofka caadiga ah qiyaastii 300ml ayuu markiiba kaadiyaa
Marka bulukeetiga la sameeyo, waxaa 48 saacadood ka dib ka baaba’a urka sida uu sheegay Dr Randall.
Waxay ku qaadanaysaa afar ilaa lix maalmood in ay ku sameeyaan bulukeetiga, laakinse haddii la doonayo in uu sii adkaado wuxuu u baahnaanayaa maalmo dheeraad ah.
Bulukeetigan si loo sameeyo wuxuu u baahan yahay 25 – 30 liitar
Qofka caadiga ah wuxuu markiiba kaadiyaa 200-300ml.
Isla xaddigaas oo kaadi ah ayaa loo isticmaalaa in lagu soo saaro hal kiilo oo bacrimiye ah.