Wasiirul Dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha dalka daahir Cabdi Cabdulaahi Dr Goo oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey howlaha ganacsi ee dalka halka ay marayaan isaga oo xusay in ay jiraa howlo u qabsoomay wasaarada hlka kuwa kalana ay ku guda jiraa
wuxuuna sidoo kale shaaciyey dalal ay dowladu heshiisyo la gashay iyo kuwa kale oo ay rajeynayaan
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxa’d Cabdi Xayir (Maareeye) oo ay wehliyaan Shaqaalaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Maanta olole Nadaafadeed ka fuliyey inta u dhaxeysa Isgoyska Tiyaatarka Qaranka iyo Iskuulka 15-May
taasi oo ay uga jawaabayeen barnaamijka isxilqaan ee uu dhawaan madaxweynuhu iclaamiyey
Baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa is Xilqaan si Dalkaaga aad u dhisto isla markaana aad u Nadiifiso ayaa maal mahan si xoog leh uga socda Magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayey aheyd markii Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxa’d C/laahi Salaad (Oomaar) oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta Wasaarada iyo Guud ahaan Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ka qeyb qaateen Hawlaha dib u dhiska Dalka ee is Xilqaam gaar ahaan dhismaha ka socda Tiyaatarka Qaranka