Ma jiro go’aan ka soo baxay Guddiga Xalinta Khlaafaadka Doorashooyinka, weli baaris baa socota
Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed in uu socdo baaritaan ay ku hubinayaan cabashooyin la xiriira in la musuqmaasuqay kuraas ka mid ah doorashooyinka ka socda dalka.
GMXKHDD waxaa u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas go’aan ka gaarin. Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa fursad uu isku difaaco.
Arrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay Madasha Hoggaanka Qaran, Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo kaliya.
Dhanka kale
Wakiilka qaramada ee Somalia Micheal Keating oo wareysi siiyay idaacada BBC ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Somalia ay dib udhici doonto.Wakiilku wuxuu sheegay in wax la sugaa oo kaliya ay tahay in la doorto sadax meelood laba meelood xildhibaanada baarlamaanka Somalia kuwaas oo dooran doona gudoonka labada aqal kadibna dejin doona jadwalka doorashada madaxweynaha.Dhinaca kale wuxuu xusay inuu filayo in doorashada madaxweynaha ay dib udhici doonto muda 15 bari ah ayna dhici doonto 15/12/2016.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0