Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku maraya degaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay doonayso in ay Soomaaliya meelkaste oo ka mid ah ay dabka shido.
Muuse Biixi waxaa ku eedeyay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay shaqsiga kaliya ah ee Soomaaliya maanta kala qeybiyay, islamarkaana siyaabooyin gooni gooni ah uu u weerarayo Magaalooyinka Soomaaliya.

“Dabka ka kacaaya Soomaaliya waa mid aan hore uga kicin, Kismaayo iyo Xamar way is-haystaan oo kismaayo waxay ku duulaysaa Xamar oo maamul goboleedkii ayuu ku duulayaa Farmaajo, wuxuu ku duulayaa tii baydhabo, oo qaylada ka yeeraysa aad maqlaysaan” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweynaha oo dad Shacab ah kula hadlaayay gobolka Sanaag ayaa sidoo kale tilmaamay in ay diyaar u yihiin nabad buuxda oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya,laakiin ay is difaaci doonaan haduu sii socdo duulaanka Madaxweye Farmaajo.
“Wuxuu yiri Berbera waa in aan weeraraa oo caalamku ila qabtaa, waa in aan Somaliland la dagaalamaa, ninkaa Soomaali magaalo-magaalo ula dagaalamaya ayaanu Annaguna leenahay illaahayow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahnay in aynu u caqli celino ” ayuu yiri Markale Madaxweynaha Somaliland.
dhanka kale Shacab-weynaha ku dhaqan degmada Wadaama Goo ee gobolka Saraar, ayaa si ballaadhan usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Guud ahaanba shacabka ku dhaqan degamada Wadaama Goo oo isugu jira madaxda dhaqanka, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta, ayaan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay muujiyeen taageerada luxdan ee ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.
Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa dadweynaha goob fagaare ah kala hadlay, waxana ay ka mahadceliyeen soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, iyaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii adkeeyaan is kaashiga iyo wax wada qabsiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu la hadlay shacabka ku dhaqan degmada Wadaama Goo, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey dadweynaha reer Wadaama Goo, waxana uu kula dardaarmay inay xoojiyaan ammaanka, kuna dedaalaan wax wada-qabsiga iyo is kaashiga.
Dhageyso Codka Muuse Biixi