Home Afsomali Gabar 15 jir ah oo ayeeyadeed sun ku dishay somalia

Gabar 15 jir ah oo ayeeyadeed sun ku dishay somalia

Gabar Ayeeyadeed Sun Ku Dishay Duleedka Kismaayo.

Gabadhan oo Da’ahaan lagu qiyaasay 15 jir ayaa laguna Magacaabo Naciimo Bashiir,ayaa waxa ay Sun ku dhishayAyeeyadeed Hooyadeed dhashay oo ay ku wada noolaayeen deegaanka Goobweyn.

Gabadha ayaa Ayeeyadeed oo lagu Magacaabi jiray Dahabo Maxamed Raashinkii Cashada ugu dartay Sunta,sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka goobwyen Cumar Cabdullaahi Maxamed.

Dad ku sugan deegaanka Goobweyn ee dhacdadaan xalay ka dhacday ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay Gabadha Ayeeyadeed Sunta u siisay tahay in ay ku qeylisay ama ay canaanatay taasoo keentay in Cashada ay suntan ugu darto,isla markaana goobta ay ku geeriyootay.

Sunta ayaa Gabadha xalay kasoo iibisay Goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubabda Hoose,waxaana sida la sheegay ay suntan aheyd mida loo Isticmaallo beeraha ee lagu dilo Cayayaanka.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa saakay gaaray deegaanka Goobweyn,waxaana ay soo qaadeen Meydkii,iyaga oo gacanta ku dhigay Gabadhii Sunta ku dishay ayeeyadeed,waxaana dhacdadaas aad uga naxay Shacbaka ku nool deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.