Home Afsomali VIDEO Alshabaab oo weerar ku dilay in ka badan 20 iyo hogaamiye...

VIDEO Alshabaab oo weerar ku dilay in ka badan 20 iyo hogaamiye gaalkacyo xero aan ujeedkeeda la garan ku lahaa

Weerar ka dhacay Gaalkacayo Gawaari lagaso buuxiyey Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta  Abdi Ali Elmi yare Ee Kooftuta Magaalada Gaalkacyo, Qasaara farabadan ayaa jira Imikana rasaas ayaa ka socota isla goobta,

Weerar culus oo loo adeegsaday qarax iyo rag hubeysan ayaa lagu qaaday xarun dariiqo diimeed shirkii ;ooga shjakiyey oo uu leeyahay nin lagu magacaabo Cabdiwali Cilmi Yare.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in lagu laayay dad gaaraya 20 qof oo uu ka mid yahay Cabdiwali laftiisa.

Ciidanka Galmudug ayaa soo Afjaray weerar Qaraxyo iyo toos ahaa oo saakay lagu qaaday xarunta Xerta Cabdiweli oo ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay gacanta ku dhiggaan mid ka mid ah raggii galay xarunta Weerarka ka dib, waxaana hadda uu ku jira gacanta Ciidanka maamulka Galmudug.

Ku dhawaad 20 ruux oo uu ku jiro  Cabdiweli Cilmi Yare ayaa lagu dilay weerarkaasi sidda ay xaqiijiyeen Hay’addaha Ammaanka Galmudug.

Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas.

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa.

Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Al-Shabaab digniin ugu dirty.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.