Home Afsomali Agaasime ku-xigeenka hay’adda Socdaalka Cabdifataax Cumar Ibraahim (Shaaweey oo London kula kulmay...

Agaasime ku-xigeenka hay’adda Socdaalka Cabdifataax Cumar Ibraahim (Shaaweey oo London kula kulmay Madax sare oo ka tirsan dalkaas (DAAWO SAWIRADA )

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdifataax Cumar Ibraahim (Shaaweey) oo safar shaqo ku jooga magaalada London ee dalka UK ayaa kulamo la qaatey madax ka tirsan xaafiiska socdaalka UK iyo xaafiiska laga bixiyo dukumentiyada safarka.

Booqashada ku-xigeenka Agaasimaha Guud iyo lataliyaha ee UK ayaa qeyb ka ah kulamada sanadlaha ah ee ay yeshaan Socdaalka Soomaaliya iyo kan Britain, iyada xoogga lagu saaro iskaashiga dhinaca socdaalka iyo baasaboorka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii muwaaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu safri lahaayeen Baasaboorka Soomaaliga ah oo haatan wadamo badan oo caalamka ah laga aqoonsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.