Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in khilaaf xoogan uu ka dhex dhaliyo Guddigii uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland.
Isaga ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uu baal maray xeerkii Magacaabida Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafka Golaha Wakiilada Puntland.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Cabduweli Gaas uusan kala tashan Magacaabista taas oo uu sheegay inay waajib tahay,sababta kale ayuu sheegay inay Guddiga qeyb ka yihiin Xubno Maamulka Puntland hadda ka tirsan ehelo dhowna ay yihiin Madaxweynaha.
20 Sano oo uu Maamulka Puntland jiro waa markii ugu horeysay oo Madaxda Maamulkaas isku khilaafaan Guddigaas,waxaana dad badan khilaafkaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa u arkaan mid jahwareer gelinaya Puntland.