Home Afsomali VIDEO Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Madxafka Qaranka(DAAWO SAWIRADA)

VIDEO Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Madxafka Qaranka(DAAWO SAWIRADA)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay dib-u-dhiska Xarunta Madxafka Qaranka oo ka mid ah goobaha danta guud ee dib loogu dhisayo Barnaamijka Isxilqaan.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in dadka Soomaaliyeed aysan sugin gacmo shisheeye oo u dhisa dalkooda ee taas baddalkeeda ay isku tashadaan, una istaagaan ka qayb qaadashada barnaamijkan isxilqaanka ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in fekerka Isxilqaan uu hadda ficil isu baddalay oo Madaxfka Qaranku uu yahay xaruntii labaad oo shaqada dhismuhu ka bilaabatay, iyadoona dib-u-dhiska Tiyaatarku uu meel wanaagsan marayo.

“Bacdamaa ay guul ahayd in aan bilownay shaqada dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka, waxaan ku xejineynaa Madxafka, Maktabadda Qaranka iyo xarumo badan oo dowladdu leedahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin goobo waxbarasho iyo kuwo caafimaad.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ay ka go’an tahay in ay maskax, maal iyo muruqba ku bixiyaan Ololaha Isxilqaan.

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Madxafka Qaranka ahna Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe dib-u-dhiska Madxafka Qaranka lagu dhammaystirayo sanadka soo socda.

 

image
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-59
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-22
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-7
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-25
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-21
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-33
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-39
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-43
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-56
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-27
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-4
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay matxafka Qaranka Soomaaliya Cali Ducale-12

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.