Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarax oo uu waday ruux ogsoon waxa uu sido inay yihiin waxa dili lahaa ayaa isku qarxiyay meel aan ka fogeyn bar kontarool oo laga galo wasaarada batroolka oo dhawaan ay anaxiyeen khilaaf badan ka dib xildhibaanada barlamaanka soomaaliya
Gaari nuuciisa nuciisa uu ahaa surf isla markaana uu waday ruux og waxa uu sido inuu ku dhimanayo ayaa isku qarxiyay barkoontarool ay ciidamada ku leeyihiin afaafka hore ee wasaarada batroolka ee ku taala nawaxiga taalada daljirka daahsoon ee degmada boondheere halkasi oo ciidamada dowlada u aheyd barkoontarool gaadiidka lagu baaro waxaa xilliga qarax uu dhacayay ku sugnaayeen gadiid ay wateen masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya oo isugu jiray xildhibaano saraakiil iyo askar
Inta la xaqiijiyay waxaa waxyeelo kasoo gaartay dad barakacayaal ah oo goobta daganaa iyo ciidamo ka tirsan dowlada oo ay ka mid aheyd korneyl faay cali raage iyo ilaaladii la socotay
sidoo kale waxaa qaraxasi ka badbaaday garyaqaan xildhibaan maryan qasim cariif iyo xildhibaan cabdikariim shabeel oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray
Al shabab ayaa shaaciyay in qaraxa ka dhacay taalada dal jirka daahsoon in ay la eegteen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowlada soomaaliya oo ay ka mid tahay faadumo cali raage iyo askar la socotay